Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Hayinka Dowladda Federaalka xaggee buu hiigsigiisu yahay? (Faallo)

$
0
0

Dowladda Federalka ee hal sanno jirka ah, ayaa waxaa weli ka lunsan toobiyaha ay ku hanaqaadi karto, waayo waxaa ku furan Mowjaddo Siyaasadeed, kuwo colaadeed iyo Eedeymaha Beesha Caalamka ku salauugsan tahay Waxqabadka Dowladda.

Dowladda inuu musuq hareeyey, oo la malabsanayo Deeqaha Caalamka ku yaboohaan ayaa dharaar cad laga shanqariyaa. Tiiyo ugu dambeysay Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka Xayiraadda Hubka ee saaran ayaa dhaliil xooggan ka keentay sida aysan Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda xil iskaga saarin ilaalinta Bakhaaradda Hubka.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa loo gudbiyey Warbixin faahfaahsan oo ay Guddiga kaga hadleen nuxurka ka soo baxay baaritaanka iyo dabagalka ay ku hayeen Shixnadihii hubka ee ay Dowladaha caalamka ugu yabooheen Somalia.

Dowladda wey ka gilgilatay Warbixinta Guddiga, waxayna gaashaanka u daruurtay inay wax ka jiraan in gacmo saddexaad loo gudbiyo hubka, laakiisne Guddiga Kormeerka waxay sheegeen inay hayaan caddaymo sawirro ah oo bari-taarayo hubaal ahaanshaha Warbixintooda.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia, Eng. C/raxmaan Yariisow iyo Taliyaha Milliteriga, Jeneral Indho-qarshe ayaa si kulul u beeniyey inay Bakhaaradda hubka baylahsan yihiin amaba hubka loo dusiyo Xarakadda Alshabaab ama Maleeshiyo-beeleedyo kale.

Laakiin, Tuhunka noocaasi ah waa wax shaaraca yaalla, waxaana dhaqan soo-jireen ah ku noqday Ciiddamaddii Dowladaihii KMG inay rasaasta maalin-ku-dagaalanka iibsadaan ama si dadban loogu gudbiyo Ganacsatadda suuqyadda furan ee hubka.

Xeeldheerayaasha Milliteriga ayaa qaarkood su’aallo ka keenayo habacsanaanta ka jirta Ciiddamadda iyo waxa seeto dheereynayo dagaalladda aan dhamaadka lahayn ee Ummadda daahshaday.
Xeeldheerayaashaasi waxay rumeysan yihiin inaysan Dowladda ka aradnayn dhinaca ciiddanka iyo hubka, laakiinse xaalku meelo kale ka qariban yahay.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaardsan Dowladda ayaa iyagana mugdi-siyaasadeed ka muujinaya bad-qabka bakhaaradda hubka ee Dowladda, waxayna ku doodayaan inay wax ka jiraan Warbixinta Kooxda QM ee Kormeerka Xayiraadda Hubka ee Somalia iyo Eritrea.

Siyaasiyiinta muxaafadka ayaa ka biyo diidsan in Hay’adaha Ammaanka ee Dowladda lagu sifeeyo kuwo Kheyrul-mas’uuliyiin ah iyo inay xaraashaan Kaydadka hubka ee Somalia.

Siyaasiyiintaasi Qunyar-socodka ah waxaa ka degi la’ sida lagu rumeysan karo Warbixinta Kooxda QM, oo ay u arkaan mid lagu doonayo in Sumcadda Dowladda wax loogu dhimo iyo in beesha Caalamka sawirro qaldan loo ifiyo.

Laakiinse, Muwaadiniinta Soomaalida, siiba kuwa ku nool magaalladda Muqdisho ayaa iyagana qiimeyn ku haya Xaalladaha taagan, inkastoo ay degi la’dahay dadka ka dambeeyo Hoobiyayaasha habeenkii ku soo hoobta qeybo ka mid ah magaalladda Muqdisho.

Xaqiiqdu, Waa su’aal madax-daalis ah inay Hay’adaha Ammaanka ee Dowladda ilaa iyo haatan heli la’ yihiin dadka ka dambeeya iyo halka laga soo abaabulo duqeymahaasi, waxaase loogu fadhiyaa inay mar uun gacan bir ah ku qaban doonaan dadka ka dambeeya duqeymahaasi.

Madaxweynaha DFKMGS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda Hoggaamiye haatan seefta galka kala baxay, sida laga dheehan karo hadalkii uu jeediyey markii uu maanta ku soo laabtay magaalladda Muqdishu.

Madaxweynaha waxa uu si qayaxan u sheegay inay Dowladiisa ka go’an tahay inay Xarakadda Alshabaab ka wada saaraan gudaha dalka oo dhan.

Laakiinse Siyaasiyiinta naqdiya dowladda ayaa rumeysan inay waqti qaadan karto dagaalkaasi, iyagoo u cuskanaya khibradihii hore iyo hawlgalladdii duullaanka ee sababa aan loo aqoonin u hakadsamay.

Siyaasiyiintaasi ayaa dagaalka Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM kaga soo horjeedaan Xarakadda Alshabaab u arka mid aan goor dhow lagu kala bixi Karin, waxayna siyaasiyiinta cuskadaan halqabsiga Soomaalida ee caan baxay ee Farri kama qodno Faanoole.

Si kastaba ha ahaatee, Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Hayinka Dowladda Federalka halkee buu hiigsigiisu yahay? Madaxdu ma noqon karaan kuwo Waddaniyiin ah, oo ka xishooda musuqa iyo Boollida Qaranka ? Muwaadiniintese ma heli doonaan nabad, waxbarasho, shaqo iyo xorriyadda hadalka?

Dalsan Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>