Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Dowladda Federaalka ee Al-Shabaab

$
0
0

Dhibaatadi ka dhalatey Qaran jabka Soomaaliya, waxaa muuqata in aan wali laga soo bogsan hadii uusan dhaqan gal aheyn amar dowladeed.

Bishaan waxa dhaqan galey amar ay soo rogtey Kooxda Al-Shabaab. Amarkaan ay Argagixisada kusoo rogeyn Shirkaddaha Isgaarsiinta Dalka ka Howlgalla ma uusan aheyn mid ay ugu daneynayaan yoolkooda, balse amarkaan waa mid ay ayaga Naftooda ku badbaadinayaan markii ay dareemeen in ay dhibaato kaga soo fool leedahey la-qabsiga ay Soomaaliya la heysato dunida inteeda kale markii laga eego dhanka Isgaarsiinta.

Sanadihii ugu dambeeyay waxey kooxdaan weysay dhul aad u balaaran iyo waliba Niman xagooda qaali ka ahaa, Dowladda Federaalka iyo Amisom waxa ay fuliyeen Howlgalo lagu guuleystey, sida ay Kooxda Al-shabaab dareensanyihiina waxa fududeeyay howlahaas Isgaarsiinta hormarsan ee Wadanka ka jirto. Ayaga oo ka duulaya taas waxa ay soo saareyn amar ay ku mamnuucayaanMobilada Casriga ah (Smart Phones) dhulka ay ka taliyaan, waxa xigtey in ay joojiyaan adeega 3G, waana tilaabo laga filayay Al-Shabaab sida ay xaqiijinayaan Dadka ku taqasusey Kooxaha xagjirka ah.

Ururo Diimeedyada

Waxii ka dambeeyay 1991 markii ay dhacdey Dowladii Milatariga aheyd ee Wadanka katalin jirtey, waxa soo ifbaxey Kooxo diimeedyo kala feker iyo Manhaj duwan, kooxahaan waxey u hanqal taagayeen in ay ceynaanka talada dalka mar uun gacanta kudhigaan, ama dhiig ha u maraan, ama Dariiq kale ha jeexaane.

Ururka Al-Shabaab oo aminsan in Seef Dhiig ka hororo xukunka lagu qabsado ayaa waxey saaxada iskugu soo hareyn Qolada Damjadiid oo xilligi Itoobiya Wadanka joogtey feker ahaan aan ka bedelneyn midka Shabaabka aminsanaa, sida aad magacooda ka arki karto oo ah in ay yihiin dhiig cusub, aysana ku shaqeyn fekerkii ay Al-islaax aminsanaayen ee ahaa in aan marnaba Hubka la qaadan balse xaalada murugsan ee Wadanka lagu xaliyo Miyir qab, iyo Siyaasad furfuran.

Dabacsanaanta Dowlada Federaalka

Afhayeen u hadley dhawaan Dowlada Mareykanka ayaa waxuu sheegay in Dowlada Xasan Sheekh ay tahey mid daciif ah, mana ahan Shaqaalaha Dowladda kuwo daciifnimada keenay, ee waa Madaxda Dowladda oo aanan heysan Khibrad dhaafsiisan Macalinimo Jaamacadeed iyo mid Hay’add gargaar, siyaasadana aan horey loogu arag.

Doorashadii Xasan Sheekh dadka waxey u aheyd yididiilo, iyo wanaagi oo soo laabtey, markii Xukumadii Saacid ay Sanad isqabqabsi la’aan ah ay Wadanka heysatana waxey dadku amineyn in kumeel gaarki khilaafkiisa laga baxey, noqonse weyday.

Dowlada iminka waxey taagantahey bartii ay uga tagtey midii ayada ka horeysay ee Sheekh Shariif, in ay habcsanaan maamul muujiso maahane aanan ku darin wax kale haba yaraate. Ciidankii Difaaci lahaa Dalka oo Mushaar la’aan ah, macalimiintii oo aan waxba qaadan, shaqaalaha Wasaaradaha qaarkoodna aysan in muddo ah arag gunooyinkoodi ay xaqa u lahaayeen, shaqaalahaas rayid ama ciidanba ay usii dheertey baacsi ay la daba taagantahey Kooxda shabaab. Hay’addi Amniga oo aan damaanad qaadi Karin Amaanka Madaxdii Wadanka iska dhaaf Shacabka dulmane.

Isgaarsiinta

Hadaan usoo noqono Hanjabaadi ay Shabaabku usoo jeediyeen Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo sida ay Shacabka ugu dhego nugul yihiin awaamiirta kooxdaas, waxa dareemeysa Awoodaha daahsoon ee Kooxdaas ku dhex leedahey Bulshada dhexdeeda, bal ayba dhici karto dhamaan Laamaha Dowladda in ay ku dhex jiraan.

In ay iska soo daba baxaan Laba amar ah oo liddi isku ah waxey dhibeysa jihada uu amarkaas quseeyo, sida muuqato Shirkadaha Isgaarsiinta waa dhibanaha Koowaad ee Sanadkan la tacaalayo siyaasadaha isdiidan ee dalka kajira, kadib Sannado badan oo la isku heysteyDagaalka Warbaahinta.

Shabaab waxey dareemeen in dacaayadihii banaanka, ama Dagaalki Warbaahinta looga awood batey, tusaale ahaan Magaalada Muqdisho waxey heshay Suuq geyn badan oo Wadanka waxa kuso qulqulaya Qurbo joog badan, ama maalgashi ha u yimaadaan ama dalxiis midee doontee.

Eedaha muuqda waxey qeexayaan in aysan Dowladda kutalo gashaneyn in in maalin uu la joojin doono Isgaarsiinta Dalka, marki dhan laga eego xarakada Lacag badan aya kasoo galo isgaarsiinta, mida Labaad in aysan Al-shabaab heysan waxkale oo ay ku wada xariiraan hadii la xiro isgaarsiinta, waxey hilmaameen waa dowladee in shabaab waxkasta u sameyn karto sidii ay maalin uun u arki laheyd Dowlada oo burburta, waana midaas tan keentay in shabaabku dano badan oo uu ku qabey Isgaarsiinta uga hormariyey in uu marka hore amarkiisa oo kadhex shaqeynaya Madaxtooyada. Saa Maanta hadii aysan Madaxda Dalka aysan baraha internetka aysan ka dhex Isticmaali Karin Telefoon gacmeedkooda.

Dalka Dowlad Dunida laga Aqoonsanyahay way ka jirtaa, balse waxaad moodaa in awaamiirteeda aysan dhaafsiisneyn gidaarada Villa Somalia.

W/Q: Saabir Xasan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>