Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Qofkii xal ka sugayey Xasan Sheekh & Cabdi Weli, ha ku quusto halkan arrin

$
0
0

Ragga xalin waayey qodobo yar oo dastuur ku yaalo ma idinla tahay in ay badbaadin karaan Umad dhibaateysan?‏

Waxaa uu mar kale khilaaf ka dhex dilaacay hogaanka sare ee Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo R/wasaraha,Waxa uuna khilaafkani yimid ka dib markii uu R/wasaaruhu isku-shaandheyn ku sameeyey Golahiisa Wasiirada, taaso ka caraysiisan Madaxweynaha maadaama aan lagala tashan isku-shaandheyntaasi siduu sheegey.

Madaxweynaha, ayaa ku eedeeyey Ra’isul wasaaraha in uu ku xadgudbay Dastuurka, ka dib markii uu sameeyey magacaabis dhowr ah ama uu xilka ka qaaday Saraakiil ka tirsan Dowladda, Isaga oo aanan kala tashan Madaxweynaha, Halka dhinaca R/wasaarahana uu sheegey in uu qaaday talaabooyin waafaqsan Dastuurka.

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, ayaa midba midka kale ku eedeyey in uu jibiyey Dastuurka, islamarkaana uu faraha kula jiro Shaqo aanu lahayn,Waxaana taasi daliil u ah war-saxaafadeedyada iska soo horjeeda ee ay soo kala saareen labada Xafiis,tasoo jahawareer badan ku riday Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa taageera Dowladda Federaalka.

Khilaafkan u dhaxeeyea Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, ayaa halistiisa leh,Waxa uuna keeni kara haddaanan la xalinin maanta in uu faraha ka baxo, islamarkaana uu curyaamiyo dhamaan shaqooyinkii laga sugaayey Xukuumadda sida dib u habeynta garsoorka,dhismaha ciidan Qaran,diyaarinta shuruucdii hagaysay nidaamka axzaabta badan iyo ugu danbeyn in ay dib u dhacdo doorashadii la filaayey 2016.

Khilaafkan u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaarihiisa, ayaanan ahayn mid cusub maxaa yeelay, Waxaan kal hor dhacay khilaaf kan ka horeeyey, kaas oo u dhaxeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaarihii kan ka horeeyey,Khilaafkaas oo ugu danbeyn keenay in uu meesha ka baxo R/wasaare Saacid ka dib markii ay kalsoonida kala laabteen Baarlamaanka hadda jira.

Hadaba sow ma mudna in la isweydiiyo su’aalo dhowr ah oo ku aadan khilaafkan joogtada ah iyo sababta uu u soo noqnoqdo,Waxaana ka mid ah su’aalahaasi kuwan:-

Maxaa keena khilaafkan joogtada ah ?
Ma khilaaf dastuuri ah mise khilaaf siyaasadeed ?
Hadii uu yahay khilaaf dastuuri ah maxaa loo xalin la’ayahay ?
Ma Soomaalida ayaanan xor ahayn mise Iyaga ayaanan dooneyn in ay wax saxaan ?
Ma kasbaa loogu qoray Dastuurka qodobadaasi is diidan mise aqoondaro ayaa jirtay ?

Waa muhiim in laga jawaabo dhamaan su’aalahani si ay u fahmaan Shacabka Soomaaliyeed, waxa soo celceliyo khilaafyada caynkan oo kale ah iyo waliba sababta loo xalin la’ayahay maxaa yeelay, khilaafkani ma’ahan kii ugu horeeyey ee dhexmara Madaxweyne iyo R/wasaarihiisa waayo, Waxaa horay u jiray khilaafyo caynkani oo kale ah, kuwaas oo dhexmaray Madaxweyniyaashii hore iyo R/wasaarayaashoodii sida C/qaasim Salaad Xasan,Cabdulaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif.

Anigu marka aan si fiican u dhuuxay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, Waxaa ii soo baxday in uu khilaafkani yahay mid dastuuri ah, inkastoo laga yaabo in ay jiraan waxyaabo kale oo naga qarsoon, Wax kasto oo ay tahayba, Waxa ay ahayd in mar hore la xaliyo khilaafkan maadaama uu soo socday in mudda ah sida la sheegay.

Maadaama uu khilaafkani la soo bilowday Dowladdii Carte ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salad Xasan, ka dibna uu u gudbay Dowladdihii ka danbeeyey Dowladdaasi sida tii Cabdulaahi Yuusuf,tii Shariif ilaa uu soo gaaray midda hadda jira ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh,Waxa ay ahayd in la baaro waxa keena khilaafka, islamarkaana xal loo heli laakiin dhibaatada jirta waxaa weeye waxaananba la haynin raggii kartidaasi lahaa oo wax sixi lahaa.

Sida ay cadeeyeen Aqoonyanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda uu wali nool yahay damiirkooda Soomaalinimo,Waxa ay sheegeen in khilaafkani uu sabab u yahay Dastuurka dalka iyo waliba qaabka ay u dhisan tahay Dowladda Federaalka,Waxaana Aqoonyanadaasi ka mid ah Afyare Cabdi Cilmi,Kaas oo in badan ka talo bixiyey dhibaatadan soo noqnoqotay laakin la waayey cid dhegeysato.

Aqoonyanada Soomaaliyeed ayaanan hagranin aqoontooda iyo talooyinkooda ku aadan sida looga baxi karo dhibaatada ka jirta dalka iyo waliba sida lagu heli karo hanaan dowladeed oo shaqeyn kara, laakiin nasiib-daro lama hayo siyaasiyiintii dhageysan lahayd, islamarkaana qaadan lahayd talooyinka dadkooda,waxaana isleeyahay waa halka ay ka timid mishiladda haysata dalkan waa marka aan xaqiiqda abaareyno.

Dowladda Federaalka, ayaa loo dhisay qaab aan aad looga fiirsan markii la dhisaayey, kaas oo sabab u noqday in uu dhamaan waayo khilaafkan joogtada ah.Qaabkan, ayaa ka kooban Madaxweyne,Ra’isul wasaare iyo Baarlamaan.Baarlamaanka ayaa dooranayo Madaxweyne halka Madaxweynahuna uu soo magacaabayo R/wasaare ka dibna uu Baarlamaanka ansaxinayo Ra’isul wasaaraha.

Qaabkaasi markii loo dhisay Dowladda, ka dib waxaa la qoray Dastuur Fadaraali,Kaas oo aan si fiican u kala cadeyneynnin awoodaha Madaxweynaha iyo tan R/wasaaraha, tusaale ahaan Madaxweynaha oo ah nin la soo doortay ma cayrin karo R/wasaarihii uu Isagu keenay xitta hadii uu ka leexdo Siyaasaddiisa.Taas waxaa ka daran, R/wasaaraha oo Madax ka ah Golaha Fulinta ama Xukuumadda ma badali karo Shaqsi ilaa uu kala tashto Madaxweynaha,taas oo ka dhigan yaan la kala bixin waligeed

Marka aad u fiirsato habka uu u qoran yahay Dastuurka, gaar ahaaan marka uu ka hadlayo awoodaha Madaxweynaha iyo tan R/wasaaraha,Waxaa kuu soo baxayso in Waxaani kas loogu qoray meesha, maxaa yeelay sidee ku dhici kartaa in R/wasaaraha la yiraahdo adaa masuul ka ah Xukuumadda mana badali kartid wasiir ilaa aad kala tashato Madaxweynaha.ka warama haddii uu Madaxweynahu diido in la badalo wasiirkaasi maxaa dhacayo ?

Ka warama haddii uu R/wasaarahu ka leexdo siyaasadda Madaxweynahii keenay, Islamarkaana uu ku tunto Dastuurka iyo Shuruucda Dalka, Muxuu sameynayaa Madaxweynahu hadaanu awoodin in uu xilka qaado Ra’isul-wasaaraha ? Ma waxa uu laaluushayaa Xildhibaanada si ay u ridaan Xukuumadda ileen Isaga waxba kama qaban karee? mise indhaha ayuu ka fiirsanayaa waxa dalka ka dhacayo ?

Marka aan hadalka soo koobo mishkiladda oo dhami, Waxa ay ka imaaneysaa waa habka ay u dhisan tahay Dowladda ee ah Madaxweyne,R/wasaare iyo Baarlamaan,Waxaa ay sidoo kale mishkilad kale ka imaaneysaa Dastuurka iyo nidaamka Federaalka ee na lagu qasbayo.Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye maxaa waxani loo fiirsanayaa ma dadkani ayaanan xor ahayn mise Soomaalidii ayaa awood beeshay ?

Anigu waxa ay ila tahay in ay mishkiladdu tahay Siyaasiyiinta Soomaalida ah ama xil ha hayaane ama yeysan haynin, tusaale ahaan waxa ay ahayd in ay mar hore saxaan qodobada qaldan uu ku jira Dastuurka, Islamarkaana ay dib uu firiyaan waxa ka qaldan hab-dhismeedka Dowladda laakiin taasi ma dhicin,tusaale kale,Waxa ay ahayd in uu Baarlamaanka hadda jiraa uu saxo waxyaabaha ka qaldan hanaanka dowladeed ee dalka, taasi iyadana wali lama hayo.

Dhibaatada intaasi kuma eka oo kaliya ee waxaa kaloo jira faragelin ka imaaneysa dowlada cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed sida Xabashida oo kale, taasi oo har iyo habeenba u taagan sidii ay u sii burburin lahayd wixii ka haray dowladdnimadii,midnimadii iyo qabkii lagu yaqiinay dadka Soomaaliyeed, Iyadoo kaashaneysa kuwa damiir-laawayaal Soomaali ah.

Anigu markaan qiimeyn badan ku sameeyey hanaanka ay u dhisan tahay Dowladda Federaalka iyo waliba kartida Siyaasiyiinta Soomaalida ah,Waxaa ii soo baxday in aysan Dowladdani lahayn rajo badan, tusaale ahaan Dowladda dhisan in ka badan dhowrka iyo tobanka Sano ma’lahan ciidan qaran oo leh astaantii lagu yaqiinay ciidan qaran,Ma’lahan wasaarado dowladeed oo si fiican u dhisan,Ma’lahan hanaan garsoor oo si fiican u habeysan.

Dhowr iyo toban Sano ka dib ma jirto hanaan siyaasadeed oo cad oo lagu socdo, Anigu kama hadlayo hadalada beenta ee lala taagan yahay Warbaahinta.Dhowr iyo toban Sano ka dib ma dhisno Maxkamaddii kala saari lahayd hadii uu yimaado khilaaf dastuuri ah.Ku dhawaad toban Sano lama hayo khariidadii muujineysay sida iyo goorta ay u baxayaan ciidamada Shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Dariska ah sida Xabashida oo kale.

Gaba gabadii,Waxaan leeyahay mishkiladda Soomaali haystaa waa nimankan Siyaasiyiinta ah ee isku darsaday karti-xumo,aqoon-daro iyo damiir-xumo waayo haddii ay karti leeyihiin waxa ay mar hore xalin lahaayeen qodobadan iska horimaanayo ee ku jira Dastuur baaskan,waayo haddii ay aqoon leeyihiin waxa ay wax ka badali lahaayeen qaab dhismeedka Dowladdan fadhiidka ah,waayo haddii ay damiir leeyihiin Shisheeyaha iskuma aysan dacweeyeen.

Ragga awoodi waayey in ay saxaan qodobo yar oo dastuur ku yaalo mudada intaasi la’ eg, Anigu ila ahan wax fiican in la iska daba socdo dad noocaasi oo kale ah, maxaa yeelay ma haysano waqti badan oo lagu cayaaro sidaa daraadeed waa in aan ka fikirnaa badiil kale si loo badbaadiyo dalkan qarka u saran in ay kala qeybsadaan dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya oo kale.

Anagu diyaar uma nihin, in mar kale lagu barbarto mustaqbalkeena Umadeed, waayo horay ayaa loogu soo cayaaray,Sidoo kalena diyaar uma nihin inaan daba fadhiisano shaqsiyaad aan aragti fog iyo mid gaaban lahayn,Waana waxa ay ku sifoobeen Madaxda hadda hogaamisa Dowladda sida Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba Ra’isulwasaaraha.

Anigu, waxaa aan ka mid ahay dadka taageera Dowladda Federaalka, laakiin hadda waxaan go’aansaday inaan taageeradayda la laabto mar hadaanu isbadal imaaneynin, dhinaca kalena dalkii loo sii gacan gelinayo dowladihii cadowga ahaa sida Itoobiya iyo Kenya oo kale.Anigu runtii waan ka quustay Siyaasiyiinta Soomaalida umana malaynayo in ay leeyihiin kartidii wax lagu qaban lahaa.

Dhowr iyo tobankii Sano ee la soo dhaafay waxaan arkaynay Siyaasiyiin awooddoodu ku soo uruurtay in ay un wax sharxaan, sameeyaan balanqaadyo aan la fulineynin,ka xishooda runta, u kala dhuunta Shisheeyaha islamarkaana isku dacweeya,taasoo runtii ceeb ku ah Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Gaba gabdii, Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa Siyaasiyiinta Soomaalidu awood uma lahan in ay la yimaadaan xal qanciya Umaddan dhibaateysan, maxaa yeelay waa faashiliin aan lahayn aragti fog iyo mid gaaban,hamigooduna waa korsi iyo xoolo la isdabamariyo,Waxaana tusaale kuugu filan waxa ka socda Magaalooyinka Muqdisho,Gargeysa,Garowe,Baydhabo iyo Kismaayo.

Waa caqli-xumo inaan iska daba fadhiisano faashiliin aan karti lahayn, Islamarkaana aan talo qaadaneynin.Ma’ahan inaan sugno la haystayaal muran badan oo aan balan iyo cahdi lahayn.Ugu danbeyntii, Waxaan soo jeedinayaa quus dheer ka dib talooyinka soo socda si loo badbaadiyo dalkan qarka u saaraan in ay kala qeybsadaan dalalkii awalba burburiyey..

1-In la qabto shirar looga tashanayo mustaqbalka dalka, islamarkaana looga hadlayo sidii lagu dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo xor ah Islmarkaana ku shaqeysa rabitaanka Umadda Soomaaliyeed

2-In uu Shacabka Soomaaliyeed isku tashto, islamarkaana uu iska ilaabo magacyada beenta iyo balanqaadyada aan dhamaadka lahayn.

3-In la iska diido qorshayaasha lagu kala qeybqeybinayo dadlka, islamarkaana la isaga horkeenayo beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

W/Q:Cabdulaahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>