Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Maxaa xilligaan keenay isku beddelka wasiiro? (Qorshaha R/Wasaare C/Weli)

$
0
0

Waxaa la yaab leh Xildhibaano & Wasiiro  ku shiray Xamar oo R/Wasaare Cabdiweli garsiiyay iyagoo dhahaya laba wasiir ayuu isku beddelay taasina dembi ma ahan oo waa sameyn karyaa!!!  Waxa lala yaabo waa inuu Cabdiweli lixdi bilood ee la soo dhaafay uu ku mashquulay xil ka qaadis uu ku sameeyo madaxda ciidamada qaarkood iyo wasiiro, isagoo isu heysta inuu sgharci ku tagan yahay. Kuwi uu isagu magacaabay ayuu hadana kala laabtay xilkii, isagoo illawsan hal-ku-dheggii ahaa hadalkaan fiirsi loo dhihin iyo biyahaan fiiqsi loo cabin waa lagu saxdaa.  Inti tallaabooyin uu qaaday oo dhan Madaxweyne Xasan Sheikh marna kama hadlin ilaa laga soo gaaro inuu xadki loo dulqaadan karay uu soo dhaafay markuu yiri waxaan sameeyay isku-shaandheyn xikmadda ka dambeysa aysan garan dadweynuhu.

Maxaa keenay in la sameeyo isku-shaandheyn oo la bartilaansado Faarax Cabdulqaadir?  Jagada laga beddelayo ma dalka ayey dan u tahay mise waa talo loo soo dhiibay Cabdiweli Sheikh oo Wasaaradda uu Faarax haayo ayey dhibaato u arkaan Madaxda gobollada qaarkood?  Maxaase xilligan ku soo beegay in Faarax laga beddelo jagada kaddib heshiish-ku-sheegii dhex maray laba Cabdiweli?  Taasi waxay na tusineysaa inteena wax aragta ama dareenta in isku-shaandheyntu aysan ahayn mid wanaag loola jedo balse ay tahay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo dowladda jirta uuna dabada ka riixaayo madaxa dowladda laftiisa. Waa tii Carabtu dhihi jirtay XAAMIIHAA XARAAMIIHAA!!!

Xildhibaanada & Wasiirada isu tegay ee taageraya tallaabada Cabdiweli waxay rabaan in dowladdu burburto oo dalkaanu ku laabto kala dambeyn la’aanti iyo isdaba cararkii hore noo dillooday oo ay nasiib darro baafinayaan kuwi laga sugaayay inay horumar noo horseedaan waxayna dantoodu isugu biya shubatay inay u adeegaan ”the highest bidder” oo  xilligaan ah R/wasaare Cabiweli.  Cabdiweli dan uma haayo dalkaan kuwa garab taaganna waa kuwo aan kala jecleyn inay dowladdu burburto dalakana lagu kala guuro.

Cabdiweli waa ninka geeridii taliyahi boliiska ku eedeeyay dad aan wax dembi ah lahayn, isagoo ka dhuumanaya dembigi uu ka galay ninki uu isago magacaabay kaddib markuu ogaaday in marxuumku  ka soo horjeeday dhaqan xumada Cabdiweli, markaasuu ku handaday inuu jagada ka qaadayo taasoo keentay inuu ka xanaaqo oo dhiig-karki uu qabay ku kacay, sidaasna sabab ugu naqatay geeridiisi.

R/wasaare Cabdiweli waa ka soo horjeedaa inay dhismaan dowlad goboleedyo la tartami kara kuwa dhisan kaddib markuu ergada ka qayb geleysa shirka Baydhabo oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro uu ku amray inay ka soo baxaan shirka oy Xamar ku soo laabtaan si aan meesha waxba ka suurta gelin. Dhibaatooyinka kale uu wado waxay taabateen gobollada oo dhan waana la garan waayay oo lagu wareeray waxa uu rabyo.

Dalka oo dhan inuu khatar ku yahay waxaa daliil u ah isagoo bixinaya awaamir, sida laga soo xigtay shaqaale lagu kalsoonaan karo, in la hakiyo howlaha wasaaradaha qaarkood si dadweynuhu u kacaan oo ay dowladda uga soo horjeestaan, halkasna ka dhasho qalaaqal iyo rabshado ekeeya dalka oo dhan.  Taa waxaa dheer inuu qorshaha ugu jiro in la joojiyo bixinta musharka shaqalaha iyo kan ciidamada qaarkood si rabshadaha u fidaan oo jahawareer ka dhasho meesha, wax walibana ay isku qasmaan sida, ay qorsheynayaan isaga iyo xulufadiisa..

Waxaa nasiib darro iyo aragti gaabi ah in Wasiir Dhuxulow uu Cabdiweli ka dhigtay Ilaahi arzaaqda siinaayay, kaddib markuu caddeystay inuusan nolol fiican heli doonin haddii R/wasaaraha meesha laga qaado…waxaan xasuusineynaa asaga iyo Wasiirka Awqaafta oo la mooday nin diinta wax uun ka yaqaan inuu jiro XADIITHUL-QUDSI oo Ilaahey yiri “QOFKI KU QANCA WIXI AAN U QORAY WAA U BARAKEEYAA QOFKI KU QANCI WAAYANA HELITAANKI ARZAAQDA U QORNEYD AYAAN KU DHIBAA..isagoo wixi u qornaa heli doona ayaa helitanki cariiri laga geliyaa.  Waa dadkaas kuwa ay Somali ka sugeyso  inay dowlad horumar u horseedaan.  Cabdiweli Sheikh uma qalmo lagumana aamini karo inuu jago dambe ka qabto dalkaan ee ha nagala qabto intey goori goor tahay, intuusan noo horseedin burbur iyo barakaca uu ku hamminaayo oo uu jecel yahay inuu noqdo mid ka daran kii aanu soo marnay.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>