Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Madaxweyne Xasan Sheikh mar kale ku hor kufay shacabka Soomaaliyeed !!!

$
0
0

Xasan Sheekh (Xasan Kadare), ayaa ra’isulwasaare u magacaabay Cumar C/rashiid ka dib markii Baarlamaanka Dowladda federaalka ay kalsoonidii kala laabteen Ra’isulwasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed. Magacaabista Cumar C/rashiid, ayaa noqotay mid lala yaabay maxaa yeelay, Cumar waxa uu ku eedeysnaa danbiyo waaweyn, sida in uu Kenya u fududeeyey in qaato qeyb ka mid dhul-badeedka Soomaaliya.

Xasan Sheekh, ayaa markan laga sugaayey in uu soo magacaabo ra’isulwasaare karti leh, islmarkaana daacad u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Sidoo kalena uu ku jiro dareen umadeed laakiin nasiibdaro Xasan ma keenin ninkii laga sugaayey, waana sababeyn doonaa. XasanSheekh, ayaa mooddaa in uu u dhaqmayo sida nin aysan dhibeynin dhibaatada haysata Malaayiinta Soomaalida ah ee ku dhaqan dunida dacaladeeda.

Maadaama uu horay u soo magacaabay labo Ra’isulwasaare oo aan u malaynayo in uu ku soo xushay isla wixii uu maantaba ku soo xushay Cumar C/rashiid, ayaa dad badan oo Soomaaliyeed rajaynayeen in uu markan dhageysan doono talooyinka iyo fariimaha uga imaanayo Shacabweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaaan dadka Waxgaradka ah sida Culimada,Siyaasiyiinta iyo walinba Aqoonyahanada laakiin ninkan ayaad mooddaa in uu leeyahay I don’t care talo. Walee Shaki kuma jiro in uu Amin Camir wax badan naga horeeyo.

Dad badan oo Soomaaliyeed, ayaa si joogto ah ugu gudbinayey talooyin badan oo aan isleeyahay haddii uu qaadan lahaa, Waxaa uu noqon lahaa geesi qaran, tusaale ahaaan markii la doortay, waxaa lagula taliyey uu soo magacaabo ra’isulwasaare daacad ah, islamarkaana leh kartidii uu ku maareyn lahaa xaaladda adag ee dalka ka jirta iyo waliba iskacaabinta faragelinta ka imaaneysa dalalka dariska ah sida Itoobiya oo kale laakiin nasiibdaro lama dhegeysan dhamaan talooyinkaasi.

Labo usbuuc oo uu maqnaa, Waxaa uu ugu danbeyn Xasan Sheekh soo magacaabay Cumar C/rashiid oo horay u soo qabtay Jagadaas Xilligii Sheekh Shariif,Kaas oo lagu xusuusto waxqabad la’aan iyo waliba murankii uu geliyey qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya,Kaas oo haddaba uu murakiisa ka socda Maxkamadda Aduunka. Hadaba muxuu Xasan Sheekh ku doortay Cumar C/rashiid ?

Jawaabtu waa iska cadahay, maxaa yeelay Xasan iyo kooxdiisuba, waxaa caada u ahayd in mudda ah in ay raadsadaan Shaqsi jilicsan oo ay ku adeegtaan inta ay Villa Soomaaliya joogaan,taasna waxaan u malaynayaa in ay ila qabaan Shacabweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka u dhuundhuleela arimaha siyaasadda ama si aad ah ula socdo hab-dhaqanka foosha xun ee kooxdan. Hadaysan sidaasi ahayn, waxaan mar hore arki lahayn, Iyadoo la raadinayo Shaqsi adag oo ka bixi kara marxaladdan.

Maadaama uu og yahay Xasan Skeeh kartida Cumar C/rashiid iyo waliba eedaha loo haysto sow ma’ahayn in uu raadsado Shaqsi kale haba u jilicsanaadee ? wey ahayd runtii in uu sidaas yeelo laakiin ma jirto wax uu ka walwalo ama uu ka cabsado waayo Dowladda dhanba waxa uu u arkaa Goof ka mid ah Goofafka ay Beeshiisu ku leedahay Muqdisho iyo Naawaaxigeeda. Wali yaa arkay Madaxweyne soo dhisay Sedex Xukuumadood wax ka yar Labo Sano ? Cayaar iga dheh

Hadaba su’aasha kale ee meesha taalaa waxaa weeyee Cumar ma yahay horta Shaqsi ka bixi kara marxaladdan adag ee lagu jiro ? Jawaabtu waa maya maxaa yeelay Cumar waa nin Jilicsan oo aan isu keeni Karin dhinacyada isku hayo dalka sida Dowladda iyo Al-shabab iyo waliba Dowladda iyo Maamulka Somaliland. Midda kale muxuu kaga duwan yahay Saacid iyo C/wali , Ma waxa uu qaban karaa waxa ay qaban waayeen ? Maxaa caqligeena loogu cayaarayaa .

Dhanka kale haddii uu Xasan xal u arkay markan in ra’isulwasaare loo magacaabo shaqsi ka soo jeedo deegaanada Puntland oo aan aaminsanahay in ay tahay fikrad wanaagsan sow ma’ahayn in uu soo magacaabo shaqsi kale sida Cali Xaaji oo kale ? Jawaab waa haa maxaa yeelay waxaan oron lahayn wali waxa uu raadinayaa shaqsi cusub oo wanaagsan laakiin in uu magacaabo ninkii danbiilaaha ahaa ee muranka geliyey Baddeena, taasi runtii ,waxa ay iigu muuqataa masuuliyad daro iyo khiyaamo qaran

Xasan Sheekh, ayaa moodda in uu dilay rajadii laga qabay Dowladdan magacuyaalka ah, maxaa yeelay waxa ay dadku filaayeen in uu dhici doono isbadal weyn mar hadii laga baxay Kumeelgaarkii, Islamarkaana la doortay Madaxweyne mutacalim ah, sidoo kalena ka soo jeeda Bulshada Rayidka laakiin khibradyarida Xasan Sheekh iyo go’aan jileeciisa, ayaa keentay in ay siyaasaddiina wareerto, islamarkaana ay soo noqoto qabyaaladdii ay aastay Saxwaddii Islaamiga ahayd ee dalkan ka hanaqaaday.

Waxa uu Xasan sidoo kale beerdareeyey fursado badan oo soo maray Dowladdan, tusaale ahaan wax ay ahayd markii la doortay in uu howlgeliyo Shacabweynaha Soomaaliyeed, lagana faa’iideysto maskaxdooda iyo muraqooda, laakiin waxa uu doorbiday in uu dibadaha wareego Isagoo sharaf u arkay in la dawarsado. Mar London ka soo khudbadee mar Brusilis taq. Ma moodaa In ay aamineen in dal tuugsi lagu dhisi karo ? Haddii runtii la heli lahaa Madax wanaagsan, waxaan hubaa in dhibaatadan lagu soo afjari lahaa mudda gaaban gudaheed.

Taas waxaa ka daran, markii uu ogolaaday in ay dib u soo noqoto Amxaaradii dalkan burburisay,sidoo kalena gumaaday kumanaanka kun ee Soomaaliyeed ,Iyadoo waliba musharafad ah, islamarkaana qeyb ka ah Mashruuca Afrikaanka ee loo yaqaano AMISOM. Waa calool lagu daaweynayo wixii ay ku jiratay. Ma noo sheegi karaan goorta ay baxayaan ciidamadan ? Ma Shan Sano ka dib, Ma Labaatan Sano ka dib, Goormee ?

Ugu danbeyn, Xasan waxa uu ku fashilmay hogaaminta, umana qalmo runtii in uu sii joogo Villa Soomaaliya, maxaa yeelay ma’ahan nin badbaadin kara dal burburay sida Soomaaliya oo kale. Midda kale Isagu waxa uu ahaan lahaaba, waxaa ka daran Kooxda ku hareereysan ee Damu-jadiid, Kuwaas oo runtii la yimid dhaqan dowladeed aan wali isagoo kale hori loo arag tusaale ahaan waxaad arkeysaa wasiir ka amar qaadanayo Xafiika Madaxweynaha halkii uu ka amar qaadan lagaa Ra’isulwasaarihiisa. Ama waxaad arkaysaa wasiir ugu baaqaya Ra’isulwasaarihiisa in uu iscasilo .Oo adi maad iscasishid hadaadan ku qanacsaneyn siyaasadda Ra’isulwasaaraha !

Maadaama uusan Cumar C/rashiid lahayn kartidii lagu maareyn lahaa marxaladdan adag, Islamarkaana uu ku eedeysan yahay murankii keenay in ay Kenya qaadato qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya, Hadaba maxaa xal ?

Anigu, waxa ay ila tahay in laga hortago arintan waayo Shaqsigan ma’ahan Shaqsi ka soo dhalaali karo marxaladdan adag ee lagu jiro waa haddii runta la isu sheegayo. Midda kale, waxa ay arintan fariin qaldan u direysa kuwa ku haminaya boobka iyo wax isdabamarinta. taas waxaa ka daran in ay arintan fursad u noqneyso Dowladda Kenya, oo ay dacwadi ka taallo Maxkamadda Aduunka oo ku aadan muran xagga badda ah oo kala dhaxeeya Soomaaliya.

Hadaba sidee looga hortagi karaa in uu Cumar qabto jagadan ? Wadada ugu haboon ee looga hortagi karo waa in Xildhibaaanada lagu booriyo in ay diidaan ansixintiisa Cumar, Iyagoo fiirinayo Maslaxada dalka sababtoo ah Cumar ma’ahan mid ku haboon marxaladdan adag ee lagu jiro, waana aaminsanahay runtii in ay Xildhibaanada Baarlamaanka diidi doonaan ansixintiisa, Iyagoo ilaashanayo sumcaddooda iyo waliba Sharaftooda.

Anigu, runtii waan ka niyad jabay Xasan iyo hogaankiisa jilicsan, Waxaana qabaa in la joogo waqtigii la iska fogeyn lahaa Isaga iyo kooxdiisa maxaa yeelay ma’ahan nin ay dhab ka tahay xal u helidda mishkiladda aloosan, Waxaana u malaynayaa in Isaga iyo Kooxdiisuba aysan meesha u imaanin xal u raadinta dhibaatadan dabadheeraatay, waayo haddii ay meesha u yimaadeen arintaasi, waxaan arki lahayn ficilo ka duwan waxa ka socda Villa Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, waxaan u soo jeedinayaa Baalamaanka Sharafta leh in ay diidaan ansixinta Cumar C/rashiid wadda kastaaba ha u maraane, Islamarkaana ay ugu baaqaan Xasan Sheekh in uu soo magacaabo ra’isulwasaare kale haddii uu diidana in ay Isagaba meesha ka saaraan, waayo joogista Xasan sheekh waa waqti dhumis. Waxaan leeyahay mar kale yaan la ansixinin Cumar C/rashiid, waayo waa ninkii sababta u ahaa murankii lagu xalaashaday Baddeen,Islamarkaana ma ahan ninkan nin ka soo bixi kara howshan adag. Alla maxaa taariikh qormeyso.

W/Q: Cabdulaahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>