Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Madaxweynoow xusuusnow R/Wasaare Cumar Cabdi Rashiid, Rashiid maaha!!

$
0
0

Tan iyo xilligii la doortey Madaxweyne Xassan Sheekh dadka qaarkiis waxay aaminsanaayeen in Somaliya ay ka baxday dhibaatooyin iyo hagardaamooyin badan oo wadanka la degay, ka dib burburkii Dowladda Dhexe iyo weliba waqtiyadii Dowladihii Kumeel-gaarada ahaa. Maadaama Dowladdu ka baxday kumeelgaar-kii. Madaxweyne Xassan Sheekh-na balanqaadyo iyo hadalo badan ay ka soo yeereen, kuwaas oo gebi ahaanba aan rumoobin. Kuleey laab lakac ayay ahaayeen oo waxba ugama diyaarsaneen wax ka qabadkooda Allaahuse Aclam.

Dhibaatooyinkii dadka Somaliyeed soo mareen ee aan la mahdin waxaa laga xusi karaa, dagaalo sokeeye, barakacyo dal iyo dibadba leh, burbur dhaqaale iyo dhibaatooyin kale oo fara badan, oo ilaa hadda laga soo kabsan la’yahey, bacdamaa aanu wadanku weli helin madax iyo dalwad hagaagsan, oo soo celisa wixii ay Somaliya ahaan jirtay burburkii ka hor. Allaha ha qadaro inaa dib u helno karaamadii wadanka iyo dadka Somaliyeed lahaan jireen barisamaadkii (Ilaahoow Aamiin).

Madaxweyne Xasan Sheekh markii la doortay wuxuu soo magacaabey Raysalwasaare aan cidna ku dirqin kuna qanacsanaa inuu u dhibo madaxa golaha wasiiradda, Madaxweynaha oo weliba xiligaas ku faanay in uu garanaayo Raysalaasaha “Saacid”, kuna kalsoonyahey saaxiibna ay yihiin. Kaas oo aynaan is khilaafin doonin ilaa waqtigooda dhamaanayo 2016. Hadalkaas laba mid ayuu ahaaa Madaxweynaha in uusan weli garanayn ruuxuu sheegay inuu yaqaano ama uusan aaminsanayn inuu Madaxweyne yahay, oo wixii uu umadda u sheegayay in looga baahan yahey inuu ku taagnaado midey noqotaba waa burey hadalkaas oo wixii dhex marey qofkastaa waa ku caalim waatii maal badan iyo waqti badan oo haddii sida wanaagsan dalka wax loogu qaban lahaa wax badan lagu horumarin karey, balse lagu baxshey laaluush iyo wax badan Khaldan, si loo rido Saacid taas oo liddi ku eheyd balanqaadkiisii ahaa inuu la dagaalami doono musuq maasuqa iyo eexda.

Mar labaad, ayuu Madaxweynaha soo doortey shakhsi kale kaa soo uu sheegay in uu ku soo xulay karti, ku qanacsanaan uu ku qancay waa Cabdiweli Sheekh Axmed’e sida uu sheegay Madaxweynuhu arrintaas uu ka sheegay xafladdii magacaabistiisa, si uu Raysalwasaaruhu u xaliyo wixii khaldamay gaarsiinaya wadanka waxa loogu yeeray (Hiigsiga 2016 iyo doorashasho xor ah) oo qofkastaa codkiisa dhiiban doono kuwaas oo ah balanqaadyo Madaxweynuhu marar badan ku cel celiyey, saasaantuse ma u eka qof kastaahi codkiisa inuu dhiiban doono (Alloow aysan xaaladdu ka hoos marin) qaabkii wax lagu doortay 2012-kii, watigaas oo la doortey Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Haddii Madaxweynaha uu laba jeer fashilmay, kuna fashilmay Raysalwasaarayaashiisii sidaasna Baarlamaanka kalsoonidii ugala laabteen, waxaa la is lahaa Raysalwasaaraha saddexaad wuxuu noqon doonaa mid dhaama labaddii shakhsi ee ka horeeyey sumcad ahaan, karti ahaan iyo aqoon ahaan. Xitaa hadduu la mid yahay ama ka liito mid aan dadku horey u aqoon ahaado oo saaxada siyaasadda ku cusub si uu Madaxweynuhuu waqti u helo xumaanta Raysalwasaarihiisa aan lagu ogaan Karin.

Hadaba maxaa dhacay? Madaxweynuhu wuxuu waqti badan, tashi badan iyo raadis badan soo helay Cumar Cabdirashiid oo ah wiilkii Maxweynihii la dilay 1969-kii, oo ahaa madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ahaana shakhsi sumcad badan ku lahaa iyo taariikhba dalka iyo dadka Somaliyeed (Allaha ha u naxariisto). Xaqiiqduse qofka inta badan isma dhalo markey noqoto sifaadka shakhsiyadeed oo lama dhihi karo Cumar Cabdirashiid waa aabihiis dhinac kasta oo qof kastaa waxaa laguu qiimeeyaa wuxuu yahay, sidaas ayaana cadaaladdu ku jirtaa.

Hadaba Cumar wuxuu soo noqday Raysalwasaare 2009 xiligaas oo uu Sheekh Shariif wadanka Madaxweyne ka ahaa, ka dibna waa is qabteen, markii lagu eedeeyey wax qabad xumo iyo weliba arrintii buuqeeda ilaa hadda taagan tahay ee badda Somaliya, taasoo helis gelisey dhulkii Somaliyeed oo Dowladda Kenya soo hamisey intii xorta aheyd ee Jamhuuriyadda Somaliya, taas oo xitaa weli xaalkeeda Allow sahal yahay.

Waxaase is weydiin mudan Madaxweynaha ma wuxuu iska indha tiray dhammaan tallooyinkii asxaabtiisa siiyeen xiligii wada tashiga? mise umado kale ayaa isteerinka la haya madaxweynaha, oo khayaarkiisa muusan awoodin isagoo maskada ku haaya dhammaan taariikhda Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ee dhaliilaha xambaarsan.

Ugu danbeen waxay ila tahay la taliyaal wanaagsan ayuusan lahayn Madaxweynuhu, oo siyaasad wanaagsan la dejiyA. balse u muuqdo kuwa haataan ka sii ridaaya lana raba in uu fashil iyo taariikh xumo siyaasadeed madaxweynuhu ka tago dhaxalsiiyana wadanka dhibaatooyin kale, oo dumin karta rajadii umadda, horumarkii iyo nabaddii la filaayay inay hagaagaan, sababtoo ah Cumar Cabdirashiid wixii lagu bartay iyo hawsha taalaahi waa kaaf iyo kala dheeri, mana loo maleynaayo inuu hawshaas ka soo bixi karo Raysalwasaaruhu, mucjiso’se waa halkeed. Allase wixii wanaag ah markasta laga fishaa. Laakiin Cumar Cabdirashiid, rashiid maahan, bal aan sugno wixii xaal ku dambeeyo, haddiiba la doortay Cumar.

W/Q: Maxamed Xasan
wadanisom114@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>