Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Maxaa shacabka afka qabtay oo looga hadli la’ yahay waxa Ethiopia ay wado?

$
0
0

Badanaaba Waddan kasta wuxuu shacabkiisa tixgeliyaa baahidooda, haduusan sidaas yeelina wuxuu la kulmaa qaylo dhaan ka timaada shacabkaas, taasoo akhiiran ka doorbida in ay ka biyo diidaan waxa uu wado gumeestahaas.

Soomaalida waxaan maqli jiray waa dad aanan qaadan xumaanta kana dhiidhiya. Inta aan horay u maqlay waxaa ka mid ah Dagaalkii dhagaxtuur ee sanadkii 1949 ka dhacay xamar kaasoo u dhaxeeyey ururkii xornimadoonka SYL iyo gumeystihii, oo markaas haystay dalka.

Dagaalkii dhagaxtuur waxuu dhacay markii gumeestihii uu codsaday in maamulkiisa uu ku maamulayo Somaliya uu sii wato, taasoo uu ka dhaadhiciyey Qaramada midoobay iyo waddamo ka mid ah Carabta iyo dalalka Yurub oo iyana si weyn u doonayey gumeysiga maamulkiisa soomaaliya.

Mudaaharaadyo balaaran ayaa ka dhacay caasimada Muqdisho oo looga soo horjeeday gumeestihii talyaaniga, mudaaharaadyadaas waxaa soo dhaxgalay booliiskii gumeestihii Ingiriiska oo digniin u jeediyay dadkii banaanbaxaayay, isla markaasna waxaa dhacday in dadkii mudaaharaadaayay ee dhagaxyo ku tuuraan askartii gumeestaha, waxeena shacabka ugu jawaabeen rasaas oo qiyaas ahaan 50 qof ku dhaawacantay, 2 qof ayaana ka geeriyootay askartii gumeestahana 5 ruux isla goobtaas ugu geeriyootay.

Haddaba Soomaalidii sidaas isugu xirnaa, oo xilligaas meel kasta isaga timid, Somaalidii halka meel ugu soo wada jeeday, kaliyana ay ka ahayd in la helo Soomaali weyn mideysan, gumeystahana hal meel looga wada hjeesto. waxaan la yaabanahay ma wixii aan maqli jiray ayaa been ahaa, mise Somaalida hadda joogto ayaa soo jeclaaday gumeystaha sababo dano goboleysi/qabiil/amaba shaqsi.

Waa wax nagu cusub oo aan horay loo arag lagana yaqyaqsado sharaf dhac weyna noo ah, in Ethopia ay maanta Somalia sidii ay doonto ka yeeleysa dhawaana lagu wareejin doono dekeddii Kismaayo. Taas kaliya kuma sinaanayaan balse waxaa qorshaha ugu jira arrimo ka waaweyn intaas taasoo ay ku haminayeen sanooyin badan.

Waan filayey in arrimahan iyo kuwa ka sii waaweyn in Somalia ku soo fool leeyihiin, haddaana sidii dhalinyaradii SYL-sha sidoodii kale aan loo fekerin uma maleynayo in sii jiri doonto Somalia. Waxaa dad badan aaminsanyihiin in si dadban waddanka haatanba loo maamulo, waxaana u joogo safiiro korka Soomaali ka ah balse toos ugu shaqeeya gumeestaha casrigan. Tusaale Ahmed madoobe oo bishiiba 2 maalmoodna ku sugan Addis 2 -na Nairobi.

Kuwa kaloo iyana la mid ah oo iyana aan ka faaruqin safar la tashi iyo amar la soo amro. waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadeeda in Soomaaliyey aad iswalaashataan- is aamintaan- oo aad badisaan ka hadalka nabadda – iyo Soomaalinimada. Maxaa loo aaminsanyahay oo loo waayey kacdoon shacabka ah oo:-

1- hal meel looga soo wada jeesto Soomaalinimada oo la abuuro jawi isjeclaan ah, ka dibna la arko Soomaali oo mid ah, taasna uu ku quusto kii ku haminaayey inuu manaafacaadka dalka la wareego.

2:- Nabadda oo laga hadlo iyo baab,inta kuwa dhibka wado ha noqdaan kuwa gudaha jooga amaba kuwa ku fekeraaya la wareegidda Somalia. Fiicnaan laheydaa in :- Dowladda dhexe la aamino loogana danbeeyo maamulka.

Fiicnaan lahaydaa in waqooyi illaa koofur ay mar kale ka wada shaqeeyaan nabadda isna aaminaan. Fiicnaan lahaydaa in la joojiyo isku darka gobolo aanan isqaban karin taasoo dhalin karta ineysan Somalia aysan waligeed degin. Tusaale- In Baydhaba laga xukumo afgooyo iyo celasha biyaha. waxaan qabaa in shacabka ay ka hadlaan oo aysan afka qabsan.

W/Q: Abdi Abdulle ( Run-Sheeg )
runta2012@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>