Habdhaqanadan lala yaabay ee uu Cabdiwali la soo baxay , ayaa niyad jab badan ku riday dad badan oo Soomaaliyeed oo aan Aniguba ka mid ahay, Kuwaas oo runtii aad ugu hanweynaa maadaama uu yahay nin mutacalim ah, islamarkaana horey u soo qabtay jagooyin sar sare sida wasiir,ra’isulwasaare iyo u tartamid madaxweyne.
Bal inta aanan sheegin dhaqamada lala yaabay ee uu Cabdiwali la soo baxay, aan marka hore sheego sida loo arkaayey Isaga. Dad badan oo Soomaaliyeed, ayaa u arkaayey Cabdiwali in uu yahay Shaqsi aqoonyahan oo wax ka badbaadin kara dalkan qarka u saaran in uu u kala go go’o gobolo yar yar oo ay kor ka maamulaan dowladaha ah dariska sida Itoobiya oo kale.
Maadaama uu Cabdiwali horay u soo qabtay xilal sar sare sida ra’isulwasaare oo kale, Islamarkaana uu leeyahay aqoon fiican, Waxa ay Shacabka Soomaaliyeed ka filaayeen, in uu u istaagi doon sidii la isugu keeni lahaa Bulshadan kala irdhowday, Islamarkaana loo dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed oo mid ah. Tusaale ahaan, dad badan ayaa ku farxay markii Cabdiwali loo doortay Madaxtweyninimada Puntland, Iyagoo markaasi u arkaayey in uu wax ka qaban doono xiriirka aan fiicneyn u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland..
Dadkani, ayaa aaminsanaa in aqoonta iyo waaya-aragnimada Cabdiwali ay abuuri doonto xiriir wanaaagsan oo mar kale dhexmara Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland laakiin nasiibdaro, waxaad moodda in uu xaalkuba ka daray sidii hore oo, uusan Cabdiwaliba wax badan ka duwaneyn Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole. Sow ma’ahan Jug jug meeshaada jog.
Waxa ay sidoo kale dadku ka filayeen in uu Cabdiwali gacan ka geysan doono, sidii miis la isugu keeni lahaa Dowladda Federaalka iyo Maamulada kale ee dalka ka jira, si loo helo wadashaqeyn guud oo horseedda in laga baxo dhibaatadan dabadheeraatay. Dhanka kale, waxaa looga fadhiyey aqoonyahan Cabdiwali in uu wax ka qaban doono cabashooyinka iyo cadaaladarada ka dhex jirta Maamulka Puntland, taas oo runtii keeni karta hadaanan la xalinin in ay dhaawacanto midnimada iyo wadajirka Puntland.
Halkii Cabdiwali laga sugaayey, in uu wax ka qabto dhamaan arimahii aan soo xusay, Waxa uu doortay in uu sii xumeeyo xiriirkii awalba xumaa ee ka dhaxeeyey Dowladda Federaala iyo Maamulka Puntland. Tusaale ahaan, marna iskuma dayin in uu Muqdisho tago si loo dhiso xiriir cusub oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland halku uu dhowr jeer isaga daba noqday Magaalada Adis Ababa,taas oo runtii ah wax lala yaabo.
Tusaale ahaan markii la doortay, waxa uu safaro dhowr ah ku tagay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya Jabuuti iyo Yeman,kuwaas oo uu la soo galay heshiisyo kala duwan, Isagoo og in ay taasu tahay sharcidaro, waayo Dowladda Dhexe oo kaliya ayaa awood u leh in ay gasho heshiisyo ceynkaasi oo kale ah. Hadaan si kale u iraahdo, Cabdiwali waxaa uu laba jibaarey dhaqan-xumadii ay caanka ku ahaayeen Maamul Goboleedyada dalka ka jira sida Somaliland iyo Jubaland oo kale,Kuwaas oo runtii lagu wareeray dalka ay ka tirsan yihiin. Haddii aqoonyahankii uu sidan u dhaqmayo maxaa laga filan karaa kuwa kale ?
.
Waxaasi oo dhan waxaa ka daray, jawaabtii uu Cabdiwali ka bixiyey, heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, Heshiiskaas oo qodobadiisa qaar ay tilmaamayeen in ay Hargeysa noqoneysa xarunta laga maamulo hawada dalka,taas oo runtii ahayd fikrad wanaagsan balse uu Cabdiwali ka horyimid. Mar la weydiiyey Cabdiwali waxa ku jaban arinkaasi, Waxa uu ku jawaabay aqoonyahankii in xaruntaasi loo soo raro Garoowe mar haddiiba laga wareejinayo Muqdisho. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye, Hargeysa Iyadu Soomaaliya ma’ahan miyaa, Maxayse ku kala duwan yihiin Hargeysa iyo Garoowe ?
Sow ceeb kuma ahan Cabdiwali in uu hadalkaasi ka soo baxo, Isgoo waliba soo noqday ra’isulwasaarihii dalka, Islamarkaana mar u soo tartamay madaxweyninimo ? Runtii, waa wax aad loola yaabo in uu hadalkaasi ka soo baxo shaqsi aqoonyahan ah, islamarkaana soo qabtay mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan ee dalka. Aqooney warkaa ba’. Ma laga yaabaa in uu Cabdiwali mar kale u tartamo madaxweyninimo? waa laga yaabaa ileen xishood ma jiree.
Midda kale, sow ceeb kuma ahan Isagoo aqoonyahan ah in uu u dhaqmo sida hogaamiye kooxeedyadii Juhalada ahaa oo kale, Kuwaas oo wareegi jiray caasimadaha dalalka dariska ah. Tusaale ahaan, waxaan xasuustaa mar uu la haa, waxaan dooneynaa inaan Safaarad ka furano dalka Yeman. yaah umad uu Aqoonyahankeedi sidan yahay maxaa laga filan karaa juhaladeeda ? Walaahi Anigu waan yaabay,war aaway dadkan damiirkooda.
Dhinaca kale, Sow wax lala yaabo ma’ahan in Cabdiwali isku dayo in uu Puntland hoos geeyo Itoobiya, taas oo runtii haddii ay dhacdo sharaf dhac ku ah guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi oo runtii lagu tiriyo dadka ugu qabka badan dadka Soomaaliyeed. Midda kale, maxaa loogu cayaarayaa Sharafta iyo Karaamada Umadda ? Ma sharfbaa in kabo-qaad la noqdo !
Anigu, runtii igama ahan qormadan inaan ceebeynayo Cabdiwali iyo ragga la midka ah, ee waxa ay iga tahay naseexo iyo baraarujin, waayo waa wax loo baahan yahay inaad saxdo walaalkaa marka uu qaldamo. tusaale ahaan, waan ka xumaaday markii uu Cabdiwali ka horyimid in Hargeysa laga maamulo hawada dalka, waayo Hargeysa waa Magaalo Soomaaliyeed oo la mid ah Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.
Runtii, waxa aan oron karnaa Cabdiwali waxa uu ku ceeboobay Shacabka Soomaaliyeed hortiisa maxaa yeelay, waxaa laga filaayey wax badan oo wanaagsan maadaama uu horay u soo qabtay mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan ee dalka, Islamarkaana uu yahay aqoonyahan lagu hanweynaa. Tusaale ahaan,Waxa laga filaayey in uu ka shaqeyn doono midnimada iyo wadajirka dalka iyo waliba isku keenista Bulshadan kala irdhowday si loo soo afjaro colaadan dabadheeraatay.
Gaba gabadii, waxaan leeeyahay Cabdiwaliyow wax ka badal habdhaqankaaga, si aad u soo ceshato kalsoonidii ay kugu qabeen Shacabka Soomaaliyeed haddii kale, waxa aad gali doonta liiska lagu qoro dhagarqabayaashii baa’biyey dalkan ee u horseeday burburkan. Ugu danbeytii, waxaan leeyahay aqoontaadu ha noqoto mid keenta midnimo iyo wadajir Soomaaliyeed si looga baxo dhibaatadan dabadheeraatay.
W/Q: Cabdullahi Ibarhim
Abdull2006@hotmail.com
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid