Quantcast
Channel: Ra’yiga – Caasimada Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Xog iyo Gorfeyn: Shirqoolada Kenya ay u maleegeyso qaranka Somalia!

$
0
0

Wixii ka danbeeyay Septembar sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya waxay yeelatay dowlad dastuuri ah oo beesha caalamka si buuxda u ictiraafsan tahay. Kenya iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo dano gaar leh ayaa iska kaashanayaan in hormarkaas Somalia kasbatay la wiiqo iyo in weli lagu sii jiro dhaqammadii qaranimo-diidnimada ku saleysnaa intii lagu guda jiray xiliyadii Ku meelgaarnimada iyo kii ka horreeyay ee qabqablayaasha.

Siyaasadaha Kenya ee maanta ka mid ma ah inay xushmayso, ama caddeysato iney Soomaaliya yeelato Dowlad iyo nidaam deggan oo ay la sameysato xiriir ku qotoma derisnimo wanaag iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo si siman ugu adeega danaha labada dal. Taas beddelkeeda, waxay Kenya ku haysaa faragelin aan xushmadeysnayn arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo qaddiyadaheeda dowladnimo, si gaar ah waxay qaataa taaloobooyin iyo xadgudubyo qatar ku ah amaanka qaranka Soomaaliyeed iyo soodimaheedaa dhuleed iyo badeed.

Sidoo kale waxay ku hanjabtaa in la eryayo ganacsatada iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee managelyada ku jooga Kenya, gaar ahaan kuwa magaalooyinka iyo xeryaha deganba, mararka qaarkoodna waxay u adeegsataaba xadgudubyo ka dhan ah sharafta aadanimada.

Ilaa iyo hadda Kenya waxay weli ku dhegan tahay qeybo ka mid ah gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, sida J/hoose iyo magaalada Kismaayaba in ay ka sameyso maamul iyada taabacsan iyo xeendaabyo laga difaaco dalkeeda. Tallaabooyinkaas, waxaa ugu qarsoon in ay dhulkeeda ku darsato qeybo ka mid ah biyaha dhuleed ee koonfurta Soomaaliya, si ay halkaasi uga la soo baxdo wixii kheyraad dabiici ah, sida Gaaska iyo Shidaalka. Waana Arrimo strategic ah oo qayb weyn ka ah siyaasadaheeda ku aaddan Somalia.

Midowga Africa iyo Umaddaha Midoobay waxay qaranka Soomaaliyeed meel uga dhaceen markii ay soo dhaweeyeen in Kenya qaadato go’aan iskeed ah oo ay ciidamadeeda ku soo gelinayso gudaha Soomaaliya, haddana ay u oggolaadeen in ay ka mid noqdaan AMISOM. Taasi waxay kaloo Kenya ku dhiirogelisay, haddana, inay iskeed u weydiisato Golaha Amaanka ee umaddaha midoobay in ciidamadeeda badda loo fasaxo iney ka howlgalaan gudaha biyaha Somalia.

Meel ka dhaca dowladda Kenya ay ku heyso madaxbannaanida qarameed ee Somalia ma ahan wax qarsoon, bal way caddahay inay ka fa’iideysaneyso xiliga dhibaatada oo ay ummada Somaliyeed ka haysato difaacidda xagga amigeeda qarameed iyo inay si dhab u hirgasho talaabo kasta oo lagu xoojin karo dib u heshiisiin ka aslaaxda dhexdeeda.

Nairobi waxaa hadda ka socda abaabulo dowladda Kenya ku shirinayso dad Af-Soomaaliga ku hadla oo aan u dhalan Jamhuuriyadda Soomaaliya, kana soo kala jeeda Zoonka 5-aad ee Ethiopia iyo NFD, kuwaasoo sheeganaya iney degaan gobolka Jubbada Hoose.

Waa arrin qayb ka ah istaraatiijyada Kenya ee ajnabigaasi looga sii jeedinaayo iney qayb ka yihiin qoomiyadaha wax ka dega Ethiopia iyo Kenya. Axmad Madoobe oo dambiyo argagixiso ugu xernaa Ethiopia ayaa hadda isagoo xor ah wuxuu madiidan weyn u yahay Kenya sidii himilooyinkeeda iyo danaheeda siyaasadeed ugu meel mari lahaayeen gudaha Somalia.

Waxba isma dooriyaan qatarta qaran diidnimada Somalia ugu imaaneya Kenya iyo argagixisada Al-Shabaab, waa isku mid waana isku hadaf, waxayna yihiin labo argagixiso oo dano kala duwan leh, halisna ku ah amaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo guud ahaan xasiloonida mandaqadda oo dhan.

Waxaa horay looga soo gudbay faragelintii Ethiopia oo ku soo gababoobmay guuldarro taariikheed kadib markii ay ku fashilantay xoog adeegsigeedii ka baxsanaa danaha amni ee mandiqada, hase ahaatee, Kenya oo hadda loo arko inay ku cibaarad qaadan waaya-aragnimadaas ayaa kol dhow waxay wajihi doontaa cawaaqib xumo ka sii darran guuldarradii Ethiopia marka dib loo eegoo damacyadeeda waalan ee caddaawadda ah oo ay Somalia la dul joogto xiliga ay dhibaateysan tahay.

Dabcan Shacbka waddaniyiinta Soomaalidu waxay og yihiin Kenya shirqooladaas inay u marto maamul beeleedyo si dhoobdhoob ah uga dhisan qaybo ka mid ah gudaha Somalia sida kan artifishaalka ah ee Garoowe ka jira oo kale, taasi oo turaanturo ku ah isbadalka cusub ee Somalia ka hana qaaday.

Ajaaniibta argagixisada ah, kana barbar dagaalama Al-shabaab waxay xooggooda ka soo gudbaan dhanka Kenya, iyada oo ay shaki badan ka jiraan in Askarta Kenya ay ku lug yeeshaan u fududeyntooda. Dhanka hubka iyo saannadoodana ay ka soo gudbaan xeebaha gobolada Bari iyo sanaag, waxaana loo arki karaa inay yihiin qorshe qarsoodi ah oo isku xiran.

Shacbiga waxaa la gudboon feejignaan iyo iney indhaha u furaan dhaqdhaqaaqyada Kenya wato iyo gaar ahaan shirarka shirqoolada ah oo ay ka abaabuleyso Nairobi gudaheeda. Waxaa habboon inay muujiyaan waddaniyad, dib u midow iyo inay is-cafiyaan. Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan, kuwa ula qaxay naftooda iyo maalkoodaba Kenya, kuna heysan sharaf iyo xurmo loo haayo canshuuraha ay bixiyaan, waxaa kaga habboon dareen xumada ay ku joogaan halkaasi iyagoo dib ugu soo noqda dalkooda hooyo, kana qaybqaata dib u dhiskiisa iyo dib u mideyntiisa Kenya la daba joogto shirqooladeeda.

Isha: Warfaafiye.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1176

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>