Akhristayaasha Soomaalidow sii gudbiya,adinkuna intiisa wanaagsan qoraalkaygaan kaga dhaqma.
Inaynu isku-gargaarno waa aasaaska diinteenna Islaamka, waana dhaqkeenna Soomaliyeed.
Daacuunka ka dhacay Beledwayne waxkasta oo aad wax uga qaban kartid haka hagran.
Waxay in badan oo ka mid ah dadkeennu qabteen howlo waxtar leh oon la soo koobi karin. Waxay waddanka ku dhiseen ISKAA WAX U QABSO, sida Hotello, Beero, ceelal qodin, kanaalo jeexid, bacaad celin, dhisme waddooyin iwm.
Waxaynu mar ku dhawaannay inaynu isku filaansho buuxa gaarno. Waxay la dagaallameen jahliga oo mar ku dhawaaday in dhammaan dadkeennu ay waxna qori karaan,waxna akhriyi karaan.Waxay ka faani jireen xumaanta, waxayna ku faani jireen wanaagga.
Nasiibdarrose raadkeennii baynu dib u qadnay 30 kii sano ee u danbaysay.Mar kale baynu ISKAAWAX U QABSO wax walba ku burburinay,innagoo kaashanayna shisheeye,waxma garadna na hoggaaminayo.
Aqoontii,waddaninimadii,iskaashigii,fahamkii diinta islaamka,la dagaalanka qabyaalladda iyo xumaanta baa dhammaan ceel ku dhacay. Waxgaradkii, aqoonyahannadii, culumadii, saraakiishii iyo dhuuxii ummadda ayaa birta la saaray. Waxaa lagu dhiirraday kala googoynta iyo kala qaybinta dalka iyo degaannada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee,dadaal yar oo ay sameeyeen in yar oo Soomaalinimo iyo waddaninimo ku danbayso iyo gargaarka Alleayay Soomaaliya u egtahay mid cagaheeda dib isugu soo taagaysa. Mid caalamka ka mid noqonaysa. Waxaa soo dhiiraday dhallinyaro maskax furan oo dibadaha wax ku soo bartay,doonayana inay dalkooda wax u qabtaan.
Farriintayda:
Walaal ha noqon dumiye,ee noqo dal dhise. Waa inaan ka faannaa magacyada reer hebel, odayaal beeleed, sheegashada aqoonta beenta ah,buubuunin qof dano gaar ah,kana fogaannaa sheeg sheegista xumaanta. Waa inaynu ku dedaalnaa wixii dadkeenna isku keenaya,kana fogaannaa wixii dadkeenna kala kaxaynaya. Waa in wariyeyaasha iyo bahda war-isgaarsiintu u dhaqaaqaan dhanka wanaagsan,iyo raalli galinta Allaah,una shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda.
Is-gargaarid:
Inaynu isku gargaarno waa diin,walibana waa dhaqankeenna suubban.Arrintaas hadda ma cago badna, tusaale ahaan dhibaatada haysata walaalaheenna Reer Beledwayne,dadka damqanayaa ama u gurmanayaa way yar yihiin.
Waana arrin qaran oo u baahan gargaar degdeg ah,lana doonayo inay ka timaaddo ummaddeena oo dhan. Haddii qofkastaa 10USD baxsho ogoow maalin qura bay 5 milyan u aruurin karnaaye.
Qore. Dr. Abdi Farah Taano
Denmark
taano1@hotmail.com